Duqayn ka dhacday Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar dhinaca cirka ah uu maanta ka dhacay Deegaanka Qobyaxaas ee Galbeedka Gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen xarun ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.
"Xilliga uu hawlgalku dhacayay goobta waxaa shir uga socday kooxo Khawaarij ah, oo ay ku jiraan horjoogeyaal." Ayay ku warantay Warbaahinta Dowladda.
"Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guuleysteen in ay burburiyaan goobtii, isla-markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay laba gaari oo ay wataan horjoogeyaashii Khawaarijta ee halkaas joogay." Ayay sheegtay Warbaahinta Qaranka.
Warbaahinta Qaranka ma sheegin inta uu le'egyahay khasaaraha guud ee duqayntu gaysatay, marka laga soo taggo in qiimeyn ku socoto tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Duqayntan ayaa u muuqato mid bilow u ah hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Shabaabka lagaga saaro daanta galbeed ee Gobolka Hiiraan.
Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee gulufka ku wajahan deegaano ay ka mid yihiin Luuq Jeelow, Buq Aqable, Mokeyle iyo Ceelware


