Duqayn ka dhacday Gobolka Shabellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ay duqayn ka dhacday deegaanka Gamboole ee galbeedka gobolkaasi.
Gamboole ayaa qiyaastii 50km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Jowhar e Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay bartilmaameedsadeen goobo ay Shabaabku kaga sugnaayeen deegaankaasi.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Universaltv u sheegay in duqaynta ay ka dhacday laba goobood, khasaarena uu ka soo gaaray maleeshiyadaasi.
"Laba gantaal ayaa lagu riday magaalada, Shabaab badanaa wax ku noqday, inta badana Shabaabka hadda magaalada dhexdeeda waa ka baxeen, meel ay aadeenna lama yaqaano." Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Xildhibaanka ayaa sheegay inaanu jirin ciidan hadda ku socda deegaankaasi, maadaama sida uu sheegay ay fatahaadda Webiga Shabelle jartay labada waddo ee gasha Gamboole.
"Magaalada biyo baxa badanaa hareereeyay, mana la geli karo, marka dhinaca cirka ayaa laga duqeeyay, ciidan dhanka dhulka ka geli karana ma jirto." Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Jeesow ayaa intaasi ku daray "Marka aad magaalada tageysid waa inaad doon ku tagtaa, labada dhinac magaalada waxaa hareereeyay biya baxada webiga, illaa waddadii laamiga ee Daafeet tageysay ayay biyaha ku sii dhow yihiin. Fatahaaddan waxay ka dhalatay Kililka Shiinaha oo qarka jabsaday."
Gamboole waxaa lagu tilmaamaa in Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi. Fatahaadda ayaana caqabad ku ah qorshaha socda ee la doonayo in lagu qabto daanta galbeed ee gobolka.
Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysa in wejiga labaad ee hawlgalka lagu xoreeyo deegaanada ay kooxaha argagixisada kaga sugan yihiin deegaanada dhaca dhanka galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe). Wejigii hore ee hawlgalka ayaa Shabaabka looga saaray bariga goboladaasi.


