Duqayn ka dhacday goobo ku yaala Gobolka Baay

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa Arbacadii bartilmaameedyo ka fuliyay tuulooyin ku yaala Gobolka Baay, oo ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Duqaynta oo kala dambeysay ayaa tan hore waxay ka dhacday tuulada Ceel-dhuun Adeegow oo 12km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Goofgaduud Buurey, oo 30km dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Baydhabo.

Duqaynta labaad oo ahayd mid aad u xoogan ayaa ka dhacday tuulada Ceel-mareer oo 18km dhinaca qorax u dhac kaga aaddan deegaanka Goofgaduud Buurey, iyadoona labada tuulo ay duqayntu ka dhacday ay yihiin kuwo ood wadaag ah oo isa saaran.

Dadka ku dhaqan tuulada Ceel-mareer ayaa sheegaya in xilligii uu Duhurku soo dhawaa ay maqleen dhowr jug oo aad u waaweyn, isla-markaana lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Shabaabka iyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in ay jirto khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo maleeshiyadaasi ka soo gaartay duqaynta, inkastoo ay adag tahay in la helo cid si madaxbanaan u xaqiijinta karta inta uu khasaaruhu le'egyahay. 

Maleeshiyada Xisbada Shabaabka ee sida booliska oo kale u tababaran ayaa duqaynta ka dib isu gadaamay goobihii la bartilmaameedsaday, taas oo adkeynaysa in wax badan laga ogaado macluumaadka la xiriira khasaaraha nafeed ay duqayntu gaysatay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkayn saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Shabaabka oo ku gubtay duqaynta ka dhacday tuuladaasi. Gaadiidka ayaa xilligii ay duqayntu dhaceysay ku parking gareysnaa geedo hoostooda.

Ilo ku dhow dhow Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in ay xogta ku hayaan in Shabaabku gelinkii dambe ee shalay ay dhaawacyadooda geeyeen deegaanka Arbisale oo qiyaastii 40km dhanka koonfureed kaga beegan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dowladda Federaalka iyo dalalka saaxiibada caalamiga ee ka taageera weerarada dhinaca cirka ayaan weli ka hadlin duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Gobolka Baay.