Duqayn ka dhacday Wabxo, barakac ka socda iyo ciidamada oo ku sii siqaya

Wararka ka imaanaya deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Talaadadii ay duqayn ka dhacday deegaankaasi.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca ay duqaynta ahayd. Wararka qaar ayaa sheegaya in duqaynta ay gaysteen diyaaradaha saaxiibada caalamiga, halka wararka kalena ay sheegayaan in ay gaysteen Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah ciidamada ku sii jeeda deegaankaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS ayaa shalay galab la wareegay deegaanka Ceelgorof, oo aan sidaasi uga sii fogeyn Wabxo.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta ay ka dhacday afaafka hore ee Wabxo, halkaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku leeyihiin dhufeys weyn, oo ay doonayaan in ay ka difaacaan Magaalada Ceelbuur.

Lama soo sheegin dad rayid ah oo wax ku noqday duqayntaasi, mana cadda haddii waxyeelo ka soo gaartay maleeshiyada Shabaabka iyo in kale.

Dadka reer Wabxo oo ka walaacsan in gulufka ku wajahan deegaankaasi uu waxyeelo ka soo gaaro ayaa bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan.

Wabxo ayaa hadda u muuqato furinta hore ee ay labada dhinac foodda is dari doonaan, haddii aanay Shabaabka isaga bixin deegaankaasi.

Ciidamada ayaa la filayaa in ay si saf mareen ah ula wareegaan deegaanada Wabxo, Dac, Jacar iyo Ceelgaras.

Ciidamada faraha badan ee ku diyaarsan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale lagu wadaa inay qabtaan deegaanka Ceel La helay, ka dibna ay la hawlgalaan ciidamada ku wajahan Ceelbuur.