Duqayn xoogan oo ka dhacday deegaanka Goobo

Qaraxyo xoogan ayaa xalay laga maqlay deegaanka Goobo ee bariga Gobolka Hiiraan, ka dib markii diyaarad dagaal ay garaacday fariisimo ay maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi, iyadoo duqayntu ay u muuqato mid bilow u ah guluf ballaaran oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo Degmada Maxaas. Goobo ayaa 15km jihada waqooyi uga beegan Maxaas.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan dagaalka ay bartilmaameedsatay fariisimaha Shabaabku ku leeyihiin dhanka waqooyi ee Goobo, waana halka ay damacsan yihiin in ay kaga hortaggaan ciidamada uga soo wajahan deegaanka Coomaad oo hoostaga Magaalada Matabaan.
Al Shabaab ayaa toddobaadkii hore gurmad ay ka keentay deegaanada Ceelgorof, Dac iyo Wabxo oo hoostaga Magaalada Ceelbuur gaysay Goobo.
Shabaabka ayaa ka warqaba in culeys uu kaga soo wajahan yahay Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley, taasoo keeneysa inay u diyaargaroobaan difaaca Maxaas amaba inay xoojiyaan difaacooda Goobo.
Goobo ayaa ah meesha ugu muhiimsan ee ay Shabaabku ka difaaci karaan Degmada Maxaas, iyadoo Goobo ay ku taalo dhinaca waddada aadda Magaalada Guriceel.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka Gobolka Hiiraan ay kordhi doonaan maalmaha soo socda.
Ciidamada ayaa dhaqdhaqaaq ka wada deegaanada qaar ee hoostaga Maxaas, waxayna Goobo noqon doontaa meesha ay u sii mari doonaan Maxaas, haddii aysan ciidamadu ku khasbanaan inay ka soo weeraraan jihada deegaanka Teedaan.
Shabaabka ayaa 4-tii bishii August bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Goobo, waana toddobaad ka dib dagaalkii faraha looga gubtay ee ay ku qabsadeen Maxaas, oo ah degmo istiraatiiji ah, isla-markaana dhacda xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Si kastaba ha-ahaatee waxaan la garaneyn khasaaraha maleeshiyada Al Shabaab ka soo gaaray duqaynta ka dhacday Goobo, mana jirto wax war ah oo Dowladda Federaalka ay illaa iyo hadda ka soo saartay weerarkaasi xagga cirka.


