Ehelada ninkii lagu gubay Wanlaweyn oo beeniyay inay dad dileen, ka dib dilkiisa

Ehelada Isxaaq Daa'uud Maxamed oo ah ninkii Jimcihii lagu jirdilay, laguna gubay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa beeniyay inay dad dileen, iyagoo aargudasho sameynaya.
Kooxo hubeysan ayaa Axaddii weeraray qoysas deganaa tuuladaasi, iyagoona halkaasi ku dilay dad ay ku jiraan hooyo iyo dhowr carruura ay dhashay, iyadoo sidoo kalena ay kooxahaasi gubeen guryo la deganaa. Intaasi ka dib ayaa waxaa suuqa soo galay warar sheegaya in kooxahaasi ay u aargudayeen ninkii odayga ahaa ee Jimcihii lagu gubay Dudumaaye.
Garyaqaan Abuukar Maxamed oo ka mid ah ehelada marxuum Isxaaq Daa'uud ayaa beeniyay in ay xubnaha qoyska ama ehelada qaarkood ay ku lug leeyihiin weerarkiii shalay ka dhacay tuulada.
"Waxaan is qaban karin adigoo ruux ehelkaaga ah inta la jirdilay, sida waraabe xoolo soo laayay oo kale loo dilay, siday bay ugu suurtagaleysaa ehelkaas inay reer weeraraan ama ay weeraraan dad meel degan. Waa waxaan dhici karin, waayo annaga weli anfariirkii ayaan ku jirnaa, goorma ayay tolkii ama ehelkii wax weerarayaan ama ay gubayaan." Ayuu yiri Garyaqaan Abuukar Maxamed oo BBC la hadlay.
Waxa kaloo uu yiri "Waa marin habaabin la marin habaabinayo kiiska marxuumkan sida arxan darrada ah ee waxashnimada ah ee loo dilay."
Garyaqaan Abuukar Maxamed ayaa sheegay in marxuumka uu dhowr iyo soddon sano uu la xanuusanaa xanuunka dhimirka, uuna ahaa nin mararka qaarkood ka soo baxsada gurigooda.
"Marka nin noocaas ah ayuu ahaa, mar walbana iska baxo, nin hadduu lumo la raadiyo, mararka qaarna iska soo laabta isagoo habdhacleynaaya." Ayuu yiri Garyaqaan Abuukar.
Garyaqaanka ayaa wareysiga ku sheegay in ninka odayga ah oo ambad ahaa uu u gacan galay kooxihii sida naxariis darrada ah u dilay, isla-markaana ay ilaalin waayeen bani'aadantinimada.
"Marxuumka wuxuu galabsaday ma lahan, maxaa yeelay isaga ayaaba ahaa qof dhimirka la' oo waxbana aan laga qorin, aanan dembi lahayn, wax uu galabsaday iyo wax uu galabsan karaana ma jiraan." Ayuu yiri Garyaqaan Abuukar oo meesha ka saaray wax sabab ah oo lagu dili karay ninkaasi odayga ah, aan ka ahayn heybta uu ka dhashay.
"Taas oo annaga aan ku tilmaami karno oo keliya ficil waxashnimo oo cawaanimo ah, kana fog Islaamnimada iyo damiirka aadanaha." Ayuu yiri Garyaqaan Abuukar.
Dilalka aanooyinka beelaha oo muddooyinkanba ku soo noqnoqonayay qaybo badan oo dalka ka mid ah ayaa ah aafo bulsho, marka aad eegto in kuwa dilalkaasi gaysanaya aysan jirin cid ay dhaafayaan.


