Erdogan oo sheegay in shidaal qodis ay ka bilaabayaan Somaliya
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in sanadka 2026 ay shidaal qodis ka bilaabayaan Somaliya, ka dib sagaal bilood oo howlo sahmin ah ay ka wadeen xeebaha dalka.
Madaxweynaha Turkiga mar uu gelinkii dambe ee Talaadadii ka garab hadlayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id ay ku qabteen Magaalada Istanbul ayaa sheegay in labada dal ay leeyihiin iskaashi xoog leh oo dhanka tamarta ah, isaga oo xusay in markabkooda Oruç Reis uu sagaal bilood oo sahmin shidaal ah uu ka sameeyay Badda Somaliya, gaar ahaan dhul badeed dhan 4,465km laba jibaaran, waana sahankii ugu horreyay ee ceynkiisa ah taariikhda ee Turkigu uu sameeyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkigu uu qorsheynayo in sanadka 2026 uu Somaliya ka bilaabo howlaha shidaal qodista, tani oo uu sheegay inay ka faa'iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Erdogan ayaa daboolka ka qaaday in ay soo kordhiyeen laba markab, oo ah kuwa qoda badda hoostooda, wuxuuna magacyadooda ku kala sheegay Çağrı Bey iyo Yıldırım.
"Turkey ahaan waxaan ku soo kordhinay maraakiibtayada laba markab oo qodaya badda hoose. Labadan markab oo aan ugu magac darnay Çağrı Bey iyo Yıldırım ayaa midka hore la gayn doonnaa xeebaha Somaliya, halka kan labaadna uu ka hawlgeli doono Badda Madow." Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa mar dambe bartiisa Twitter-ka ku soo qoray "Waxaan rajaynaya in labadan qaybood ee cajiibka ah ay keenaan nasiib iyo barako."
Erdogan ayaa shirka jaraa'id ka sheegay in Turkigu uu hadda haysto markabka afaraad ee ugu weyn adduunka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in xilli Somaliya ay wajaheyso khataro ka dhan ah madaxbannaanida dhulkeeda iyo qaranimadeeda in si cad loo dareemay taageerada Turkiga ee uu Somaliya la garab taagan yahay.
"Annagoo dalkeenna ka difaacayna kuwo doonaya in ay ku soo xadgudbaan, haddana taasi nagama hor istaagin in aan ka shaqayno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalka uu ka mid yahay." Ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaasi ku daray in soo saarista shidaalka uu wax weyn ka bedeli doono nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa jira calaamado muujinaya in Somaliya ay mustaqbalka dhow noqon doonto dal helay shidaal.
Inkasta oo Dowladda Federaalka aysan illaa iyo hadda si toos ah shacabka ugu sheegin in sahmintii ugu dambeysay ee Shirkadda Turkish Petroleum ka sameysay dhulka xeebta lagu ogaaday in dalku uu leeyahay kayd shidaal & gaaska dabiiciga ah iyo in kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaase shirkii jaraa'id ee Istanbul ka sheegay in ay jirto rajo wanaagsan, ka dib baaristii shidaalka iyo gaaska dabiiciga ee dhawaan laga sameeyay meelo ka mid ah xeebaha dalka.
Heshiiska iskaashiga tamarta ay labada dowladood gaareen bishii March ee sanadkii 2024 ayaa saddex shati ama ogolaansho lagu siiyay Shirkadda Turkish Petroleum inay sahminta iyo qodista saliidda iyo gaaska dabiiciga ah kaga samayn karto saddex goobood oo xeebaha dalka ah.
Rajada shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in haatan ay ka faa'iideysan doonaan khayraadka aan la taaban ee dalka uu leeyahay.






