Ergayga Arrimaha Somaliland oo la kulmay Xildhibaanada Gobolada Waqooyi
Ergayga Gaarka ee Arrimaha Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Ergayga ayaa Xildhibaanada u sameeyay kulan afur ah, isagoona la yeeshay wadatashi daaran, sidii loo dardargelin lahaa wada hadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Cabdikariin Xuseen Guudlaawe oo Xildhibaanada ka hor hadlayay ayaa sheegay in xafiiskiisu uu horyaallo shaqooyin culus, isla-markaana uu doorkoodu muhiim u yahay xal u helidda tabashada Somaliland.
Xildhibaanada ayaa soo dhaweeyay howlaha uu Ergaygu doonayo in uu dardargeliyo, iyagoona muujiyay in ay si dhow ula shaqayn doonaan, kuna garab istaagi doonaan dhabo kasta oo lagu xaqiijinayo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno laga xusi karo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac.














