Faah faahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Baay

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee shalay illaa xalay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray Gobolka Baay.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa shalay galab weeraray deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin xero ciidan. Xeradan ayaa ka mid ah goobaha laga difaaco amniga Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay abaarihii Maqribka la wareegeen xeradaasi, iyadoo ay dib u gurasho sameeyeen ciidamada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad xoog leh oo ka soo baxay Magaalada Baydhabo ay keentay in mar dambe ay ciidamadu dib ula wareegaan gacan ku haynta xeradaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, maleeshiyada Shabaabka ayaa intii ay haysteen deegaankaasi waxay dab qabadsiiyeen teendhooyinkii ka dhex dhisnaa xeradaasi.
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo aanay weli ka hadlin labada dhinac, balse ilo ku dhow dhow Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in illaa saddex askari ay ciidamada kaga dhinteen dagaalkaasi, ku dhawaad toban kalena ay kaga dhaawacmeen.
Dhanka kale gaadiid uu la socday Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, G/dhexe Cabdullaahi Maxamed Ugaas (Kunow) ayaa xalay lala eegtay qaraxyo lagu sii diyaariyay waddada dhinaceeda, mar ay marayeen inta u dhaxeyso Boonkey iyo Cali Amxaar ee duleedka Magaalada Baydhabo.
Qaraxyada oo saddex ahaa ayaa laba ka mida haleelay gaadiidkii ay la socdeen ciidamada, iyadoona ay goobtaasi ku dhinteen laba askari, shan kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro G/dhexe Kunow.
Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, xilli Dowladda Federaalka ay abaabuleyso wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.


