Farmaajo oo bogaadiyay in dowladdu ay jarto iskaashigii Emirate-ka Carabta

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Dowladda Federaalka ku soo afjartay iskaashigii difaaca iyo amniga ee ay la lahayd Emirate-ka Carabta iyo in meesha laga saaro heshiisyadii iyo wada shaqayntii ay saraakiisheeda ku joogeen Dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa Isniintii soo saaray go'aan lagu soo afjarayo joogitaankii Emirate-ka Carabta ee dalka, sababtu tahay fara-gelintiisa ka dhanka ah gobanimada, midnimada qaranka iyo madaxbannaanida siyaasaded ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya. Wasiirka Warfaafinta, Daa'uud Aweys Jaamac ayaana sheegay in go'aankan loo qaatay si waafaqsan buu yiri danta guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

"Waxaan soo dhaweynayaa go’aamada ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Somaliya." Ayuu yiri Ex Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay waajib ugu leeyihiin dalalka ay iskaashiga iyo xiriirka saaxiibtinimo wadaagaan inay dhowraan qaranimada iyo madaxbannaanida dalka.

"Dadka iyo Dowladda Somaliya waxa ay waajib ugu leeyihiin dalalka aan la wadaagno iskaashiyada iyo xiriirka saaxiibtinimo in ay dhowraan qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliya, laguna saleeyo xiriirada laba geesoodka ah danaha wadajirka ah si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah." Ayuu yiri Farmaajo oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa ugu baaqay "Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, waxaan ugu yeeraynaa in ay adkeeyaan midnimada shacabka Soomaaliyeed, mudnaantana la siiyo, wakhtigan xasaasiga ah, xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay oo wakhtigooda ku dhaca, ka laabashada go’aamada halka dhinac ah ee uu ku laalay dastuurka dalka iyo soo celinta shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka oo muhiim u ah marxaladdan."