Farmaajo oo la kulmay Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland
Madaxweynihii hore ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku booqday hotelka ay ka degan yihiin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa qoraal ku sheegay in uu kulan salaan iyo is xogwareysi ah uu la yeeshay Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo Muqdisho u jooga ka qaybgalka Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
"Kulankaasi waxa uu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wadatashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan. Waxaan soo dhaweeyey imaanshaha labada Madaxweyne ee Caasimadda Muqdisho, anigoo ku dhiirrigeliyay dadaalada ku aaddan, sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadin lahaa hubanti la’aan iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka." Ayuu Farmaajo ku sheegay qoraalka.
Farmaajo ayaa Axmed Madoobe iyo Deni ku bogaadiyay "Waxaan ku bogaadinayaa labada Madaxweyne niyad samida iyo doonistooda ku aaddan in la gaaro xal waara oo loo dhan yahay."
Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu la yimaado tanaasul iyo hoggaamin buu yiri looga gudbi karo is mari-waaga taagan.
"Si aan loo dayicin fursadda wada hadalka, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu la yimaddo tanaasul iyo hoggaamin looga gudbi karo is mari-waaga taagan, dalkana looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah." Ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa dhinacyada ugu baaqay in xiisadda siyaasadeed aysan ka mashquulin gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.









