Farmaajo oo sheegay in abaaruhu ay saameeyeen ku dhawaad 5 milyan oo qof

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa sheegay in xaaladda bani'aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha dalka ka jira ay saamayn ku yeelatay ku dhawaad shan milyan oo qof, kuwaas oo sida uu sheegay u baahan gurmad degdeg ah.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in dadkan aysan helin gurmad u dhigma xaaladdan, oo sida uu sheegay ay ku jiraan labadii sano ee la soo dhaafay.
Farmaajo ayaa culimada iyo ganacsatada ugu baaqay inay u istaagaan, sidii gacan loogu fidin lahaa dadka kaalmada u baahan, isagoo dhinaca kalena qurbajoogta, Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in loo midoobo buu yiri ka jawaabista xaaladdan adag.
Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray ku sheegay in uu hoos u dhac weyn ku yimid gargaarkii bani'aadantinimo ee dibadda laga helayay, taas oo aan haatan daboolin sida uu yiri wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah.
Warsaxaafadeedka Farmaajo ayaa u qornaa:-
Xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan oo soo jiitamaysay labadii sano ee la soo dhaafay.
Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan samata bixinta dadkeenna dhibaataysan, maadaama ay hoos u dhaceen kaalmadii binu-aadantinimo ee caalamiga ah, taas oo aan daboolin haatan wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah.
Sidoo kale, qurba-joogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ku adkeynayaa in loo midoobo ka jawaabista xaaladdan adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed, anigoo ka rajaynaya Beesha Caalamka in ay dardar geliso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa kumannaanka qoys ee tabaaleysan.
Alle waxaan ka baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado duruufaha adag, naguna mannaysto nimcadiisa oo ay ugu horreeyaan raxmadda roobka oo ay ku tiirsan tahay nolasha dadka Soomaaliyeed.


