Gaadiid ay la socdeen Ciidamada Mareykanka oo qarax lagu la eegtay duleedka Kismaayo

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Militariga Somaliya ee Danab in saakay qarax lagu la eegtay duleedka Magaalada Kismaayo.

Gaadiidkan ayaa waxaa qaraxa lagu la eegtay, inta u dhaxeyso deegaanada Birta Dheer iyo Harboole, iyadoona uu qaraxu ahaa mid waddada dhinaceeda lagu aasay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxan ayaa sheegtay in lagu burburiyay gaari nooca gaashaaman, oo sida ay sheegeen siday anteenooyin. Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in sidoo kale uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo Ciidamada Mareykanka ka soo gaaray qaraxaasi.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in labada ciidan qaraxaasi lagu la eegtay duleedka Kismaayo.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray qaraxaasi.