Gaadiidka qaraxyada oo caqabad ku noqday Ciidanka Xoogga Dalka

Gaadiidka lagu soo raro walxaha qarxa ayaa caqabad ku noqday Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab ee ka dagaalama Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya, waxayna curyaamiyaan hawlgalka dib u xoreynta ee dhulka ka maqan gacanta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Gaadiidka ku raran qaraxyada ayaan keliya gaysan khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed, balse waxay sidoo kale abuuraan xaalad cabsi ah ama cabsi gelin iyo hakad ku yimaada hawlgalada militari.
Qaraxyadan ayaa lagu sheegaa habab ay Shabaabku ku xoojiyaan awooddooda, marka ay socdaan dagaalada tooska ah.
Gaadiidka ay qaraxyadu saaran yihiin ayaa ah xeelad khatar ah oo maleeshiyada Al Shabaab ay si joogta ah ugu adeegsadaan weerarada ka dhanka ah Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan marka ay dhaqdhaqaaqyada iyo hawlgalada ka wadaan gobolada.
Tani ayaa waxay keentaa in ciidamadu ay gaabiyaan ama ay sugaan, inta laga sugayo amniga waddooyinka, iyadoo markaasi xagga cirka laga garaacayo goobaha loo arko in ay khatartu ka jirto.
Ciidamada ayaa la sheegaa in khasaaraha ugu badan ay kala kulmaan gaadiidka qaraxyada, marka lala barbardhigo waxyeelada kale ee ka soo gaarta rasaasta kooxaha argagixisada. Gaadiidka qaraxyada ayaa sababa dhimasho, dhaawacyo halis ah iyo burbur xoog leh, marka Shabaabku ay weerarada u adeegsadan.
Gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyo waa hubka ugu halista badan ee Shabaabku ay ku dilaan dadka ugu badan, marka la eego weerarada ay ka gaysteen goobaha ay dadka ku badan yihiin iyo jiidaha hore ama goobaha ay ciidamadu ku sugan yihiin.
Saraakiisha Hoggaanka & Hawlgalada ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in baabuurta qaraxyada ay si xun u saameeyaan difaacyada hore, isla-markaana aan inta badan looga hadlin kulamada Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ay ku fallanqeynayaan hawlgalada.
Saraakiisha Militariga ayaa waxaa cad inaysan wax qorshe ah ka lahayn, sidii loo xakamayn lahaa gaadiidka qaraxyada oo dhibaato ku ah ciidamada dagaalka kula jira kooxaha hubeysan, taasoo ku tusineysa inaanan weli diyaar loo ahayn in xal loo helo oo la maareeyo sababta keenta in ay dhintaan askarta ugu badan.
Qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa ah dhibaato taagan oo aan laga gudbin dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay.
Shabaabka ayaa Axaddii qabsaday deegaanka Teedaan iyo deegaano kale oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyagoo isticmaalaya gaadiid ay ka buuxaan walxaha qarxa, oo ay fuliyeen xubno u bareeray in ay naftooda gooyaan.
Saraakiisha sarsare ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaan iska indha tiri karin baahida loo qabo in lala yimaado qorshe wax ku ool ah oo wax looga qabanayo qaraxyadan, si loo badbaadiyo askarta, qalabka iyo gaadiidka ay haystaan, oo ay ka mid yihiin in la baabi'iyo xarumaha lagu diyaariyo qaraxyada iyo in si joogta ah loola socdo baabuurta maleeshiyada Al Shabaab, si loo fashiliyo gawaarida qaraxyada wada, ka hor inta aysan soo bixin.


