Gaari ay Shabaab la socdeen oo jidgal loogu sameeyay Gobolka Hiiraan

Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa maanta jidka u galay gaari booyad ah, oo ay la socdeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Waabweyn ee saaran waddada laamiga ee xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in dhowr nin oo Shabaab ah ay booyadda biyo ku gaynayeen dhinaca deegaanka Camal, xilligii uu weerarku dhacayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xoogaga Macawiisleyda ay weerarka ka soo qaadeen dhulka hawdka ee ku teedsan waddada laamiga ah, isla-markaana ay dileen dhammaan xubnihii Shabaabka ee gaariga la socday.
Xasan Faarax Guuleed oo ka mid ah Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalka uu u dhacay, sidii loogu talagalay, isla-markaana ay Macawiisleyda dib ugu laabteen halkii ay weerarka ka soo qaadeen.
Xasan Faarax ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay lix xubnood oo Shabaab ah, isla-markaana ay ciidamadu ku furteen saddex qori oo AK47 ah, isagoo intaasi ku daray in saddex xubnood oo keliya ay hubeysnaayeen, Shabaabka jidka loo galay.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa la sheegay inay u suurtagashay inay gubaan gaariga booyadda, kaas oo Shabaabku ay biyo ugu gayn jireen xubnahooda kale ee ku sugan qaybo ka mid ah bariga gobolkaasi.
Weerarkan ayaa imanaya, xilli Maxamed Cismaan Warsame (Ganey) oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Macawiisleyda uu dhawaan sheegay in ay kordhi doonaan weerarada ka dhanka ah Shabaabka Gobolka Hiiraan.


