Galmudug oo awaamiir culus duldhigtay dadka deegaanka

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay awaamiir ay dadka reer Galmudug ugu sheegeyso inaanay wax taageero ahi siin karin maleeshiyada Al Shabaab, oo haatan uu guluf ballaaran kaga furan yahay bartamaha dalka.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in maanta uu dhiigbax ku socdo Al Shabaab, dadkuna uu kaga digayo wax kasta oo ay dib ugu soo xoogeysan karaan maleeshiyadaasi.

Wasiirka ayaa sheegay inaanay dadku wax dhaqaale ah siin karin Al Shabaab, qofkii lagu helana uu ka mid yahay cadowga, xoolihiisana lala wareegi doono.

"Qofkii cadowga dhaqaale ku bixiya, cadowguu ka mid yahay, xoolihiisuna waa waras, ciidanka ayayna u bannaan tahay inay qaataan, sababtoo ah wiilka u dhimanaya iyo xoolaha, wiilka ayaa qaalisan. Marka hadduu yiraahdo xoolahayga ayaa difaacanaya, oo dadka kalena inay dhintaan uu ka raali noqo, cadowga ayuu ka mid yahay." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri "Waxaan la ogolayn in la siiyo lacagta ay baadda ku qaataan, waxaan la ogolayn in ciidanka lagu daawado dagaalka oo la yiraahdo waan baqaynaa, baqitaan wax la yiraahdo ma jiro."

Waxa uu sheegay in reer Galmudug ay dagaal kula jiraan Shabaab, ciddii ka harta dalka xoreyntiisana ay u aqoonsan doonaan kuwo la safan cadowga.

"Dagaalkan waa la galay, dadkuna laba mid bay noqonayaan cadow iyo dad xoreynaya dalka, labadaas midkood uun bay noqonaysaa, wixii u dhaxeeyo waa cadow kalkaal oo cadowguu ka mid yahay. Marka cid laga yeelayo in ay tiraahdo meeshaanaa fadhinaya ama anigu dhexdhexaad baan ka ahay oo dagaalka ka qayb qaadan mayo, laga yeeli mayo, cid xoolaheeda bixineysa oo la daawanayana, haba yaraatee ma ay jirto." Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiirka oo maanta la hadlayay dadka ku dhaqan deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa yiri "Saacaddan laga bilaabo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida waxaa la faraya in waddooyinka iyo jidadka aada cadowga xagiisa, hal gaari oo aadi karo ma jirto, xitaa haddii uu faaruq yahay, ma aadi karo, iska dhaaf inuu wax saaran yahay. Gaarigii la arko inuu dhinaca cadowga u socdo, meeshiisa ha lagu gubo, kii laga qaadan karana ha laga qaato. Wax u gudbi kara cadowga ma jirto, cunno ayaan u gudbi karin, shacab u socon karaana aanu jiri karin, qofkii halkaas aado Shabaab ayuu ka mid yahay, qofkii dhinaca Shabaab aado, Shabaabuu ka mid yahay, Shabaab ahaan baana ula xisaabtamaynaa."

Waxa kaloo uu sheegay in dhammaan dadka ay ka doonayaan inay u diyaargaroobaan xoreynta dhulka maqan iyo inay hantidii ay siin jireen Shabaab ay maanta siiyaan ciidamada u taagan dalka difaaciisa.

"Qof kasta waxaa laga rabaa inuu u diyaargaroobo in la xoreeyo deegaanada dhiman. Caad baan tagaynaa, Mudug oo dhan baan dhameystiraynaa, Galgaduud baana u gudbaynaa. Dhammaan dadku waa inay ka qayb qaataan jihaadkaas, naf iyo maalba waa in looga qayb qaataa, kii awal xoolihiisa zakaawaat ahaan u siin jiray Shabaab, maanta haku bixiyo ciidamada xaq u dirirka ah, ciidamada xoreynta waa inuu siiyaa xoolihiisa." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri "Wax la yiraahdo waan fadhisanaya ma ay jirto, Saraakiishii qoreysay ciidamada waa joogaan, qof kasta waa inuu is diiwaangeliya, qof kasta waa inuu qorigiisa soo qaataa, kii aan qori haysan waa inuu keennaa xooggiisa, waa inuu dhaawaca wax ka qaadaa, waa inuu ciidanka biyaha ka daba qaadaa, dhammaan waa in la wada socdaa."

Wasiir Gaboobe ayaa awaamiirtan ku dhawaaqay, xilli Galmudug ay isku dayeyso in ay xoojiso qorshaha dagaal ee la doonayo in lagu wiiqo Shabaabka Gobolada Dhexe.