Galmudug oo ka hadashay kolonyadii Shabaab la socdeen ee lagu weeraray Ceel-qaboobe

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa faah faahin ka bixiyay weerar goor dambe oo habeen hore lagu qaaday kolonyo ay la socdeen maleeshiyada Al Shabaab, oo marayay meel aan ka fogeyn deegaanka Ceel-qaboobe, oo qiyaastii 50km dhanka koonfureed kaga beegan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

"Hawlgalkaasi wuxuu ahaa hawlgal la xiriiray dagaaladii ka socday dhawaanahaan aaggaasi, oo Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ay iska kaashanayeen." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay heleen xog la xiriirta dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Al Shabaab, ka hor intii aanay weerar jidgal ah ku samayn kolonyadii ay socdeen.

Waxa uu sheegay in gaadiidkaasi ay wadeen hub iyo walxaha qarxa ay xeebta Ceel-qaboobe keenayn doomo, sida uu sheegay u rarnaa Al Shabaab.

"Xilli dhexe oo habeen ah ayaa la helay xogta ah in ay jiraan doomo ku soo xirtay Ceel-qaboobe, oo lagu qiyaasay inay wadaan waxyaabaha qarxa, sida kiimikada, hub iyo rasaas. Marka ciidan Shabaab ah oo ka soo baxay dhanka duurka ayay soo sheegeen dadka shacabka ah ee la shaqeynaya Ciidamada Dowladda, markii laga war helayna Ciidamada Dowladda waddada ayay u galeen, halkaasna waxaa lagu dilay dhammaan Shabaabkii halkaa marayay, marka laga reebo saddex nin oo ayagana lagu qabtay soona Ceeldheer, oo haatan gacanta dowladda ku jira, gaadiidkiina halkaasaa lagu gubay, ciidamadana sidaas ayay hawlgalka ku fuliyeen." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa xusay in weerarka lagu dilay 60 nin oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, isaga oo intaa ku daray in ay jiraan dhowr nin oo goobta ka baxsaday.

"Runtii fursad fiican oo lagu helay, Ciidamada Dowladduna ay ka faa'iideysteen ayaa meeshaa ka dhacday, waana bogaadinaynaa ciidamada." Ayuu yiri Abshir Cabdi Shiiqow, Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Wasiir Shiiqow ayaa iftiimiyay in ciidamadu ay wadaan baaritaano ku aaddan dalalka laga leeyahay doomaha hubka iyo kiimikada laga sameeyo walxaha qarxa keenay Ceel-qaboobe, dibna ay Saxaafadda kala soo wadaagi doonaan.

Mar uu ka hadlayay sababta keentay in xilligan ay Shabaabka hub iyo walxaha qarxa kala soo deggaan xeebaha Galmudug, xilli ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah ayaa waxa uu yiri "Qofka marka uu geeri joogo waa is biimeynayaa, nimankan saad ogtahayba waxaa laga go'doomiyay meelihii ay wax kala soo deggi jireen, meelihii ay ka heli jireen hubka iyo nolosha qaybaheeda kala duwan. Marka maadaama ay dhimanayaan oo duurka ay ku jiraan oo xaaladdu ku adag tahay, dee dabcan inay ku dhiiradaan in ay is biimeeyaan, waxaan is leeyahay waa wax la filan karo."

Weerarkan ayaa ka dhacay waddada xeebta ee u dhaxeysa Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer.