Galmudug oo mamnuucday in lala soo degi karo gaadiidka Cabdi Bilaha

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay amar ay ku mamnuuceyso soo dejinta gaadiidka dagaalka ee Cabdi Bilaha.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa mamnuucday inaanan gaadiidkan laga la soo degi karin Dekedda Hobyo, laga bilaabo maanta oo taariikhda ay ku beegan tahay 21-ka bisha October ee sanadka 2025.
"Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta (21-ka October 2025) ku dhawaaqday mamnuucid lagu soo dejinayo gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdi bilaha, iyadoo laga bilaabo maanta aan la ogolaan doonin in lagu soo raro ama laga soo dejiyo Dekedda Hobyo." Ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaraddu.
Wasaaradda ayaa cid kasta uga digtay inay ku lug yeelato in gaadiidkan la keeno deegaanada Galmudug, si looga fogaado in la jebiyo amarka lagu mamnuucay.
Wasaaradda ayaa ka digtay in kuwa ka dhega-adeyga amarkan loo tixgelin doono kuwo la shaqeeya argagixisada iyo dambiileyaasha.
"Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa shirkadaha iyo cid kasta oo arrintan khuseyso inay fuliyaan amarkan oo si buuxda u gutaan waajibaadkooda." Ayaa lagu yiri warka.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaan warkeeda ku faah faahin sababta ama baahida keentay in hadda la mambuuco baabuurta Cabdi Bilaha.
Tallaabadan ayaa loo fasirtay mid la xiriirta arrimaha amniga iyo in nabadgelyada loo adkeeyo.
Gaadiidkan ayaa dalka ka noqday kan loogu isticmaalka badan yahay, marka ay noqoto dhinaca ciidamada.
Waa nooc gaari oo dalka Japan uu farsameeyo, isla-markaana aad u dheereeya, kaasoo ay bulshadu ugu magacawday orodyahanka Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi.