Galmudug oo shaacisay goorta uu hawlgalku bilaabanayo

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si weyn ugu diyaargaroobeysa wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, ee qorshuhu yahay in lagu qabto dhulka ay maleeshiyadaasi kaga harsan yihiin deegaanadeeda.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in hawlgalka uu bilaaban doono, marka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo geba-gabeeyo kulamada uu la leeyahay dadka deegaanka.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegaya in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan ku joogo Galmudug uu ka duwan yahay safaradii uu horey ugu yimid deegaanada maamulkaasi.

"Safarkani wuxuu ku saabsan yahay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta Al Shabaab iyo in bartii hoggaaminta uu Madaxweynuhu u fadhiisto, boqolkiiba boqolna (100%) uu ka shaqeeyo, sidii Khawaarijta looga saari lahaa guud ahaan Somaliya, gaar ahaan Galmudug." Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Waxa kaloo uu yiri "Maalmaha nagu soo aaddan ayuu dagaalku bilaabanaya, ka dib marka uu dhammaado kulamada uu Madaxweynaha la leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee beelaha iyo Waxgaradka Dowlad Goboleedka Galmudug oo la rabo in abaabul loo sameeyo, si ay uga qayb qaataan, kama marna Culima'udiinka oo ayagana lala kulmayo." 

Waxa uu sheegay in kulamada uu Madaxweynuhu wado ay soo dhammaan doonaan maanta illaa berri, ka dibna uu si rasmi ah u bilaaban doono hawlgalka la doonayo in lagu wiiqo maleeshiyadaasi.

"Wixii intaa ka dambeeyo hawlgalka toos ayuu u bilaaban doonnaa, asagoo illaa shan jiho guluf aad u xoogan looga qaadi doono Khawaarijta Al Shabaab." Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka oo BBC la hadlay.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa yiri "Imaanshaha Madaxweynaha waxay dhiig cusub ku shubeysaa hawlgaladii baaxadda lahaa ee ka socday guud ahaan Somaliya, gaar ahaan Galmudug ee lagu xoreeyay degmooyinka badan, sida Degmooyinka Ceeldheer, Xarardheere, Galcad iyo deegaano kaloo aad u badan. Ka Galmudug ahaan illaa soddon goobood oo ay Al Shabaab uga sugnaayeen Galmudug ayaa maanta ku jira gacanta Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya." 

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa yiri "Imaanshaha Madaxweynaha waxay nooga dhigan tahay fursad weyn, waxay nooga dhigan tahay dhiig cusub oo lagu siyaadiyay hawlgalada, waxay kor u qaadeysaa mooralka ciidamada, maadaama barta hoggaaminta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta maanta uu fadhiyo Madaxweynaha, Saraakiishii uu u wacayo, Madaxdii Galmudug oo shirar uu kula jiro iyo bulshadii qaybaheeda kala duwan uu dhiirigelinayo. Wax weyn ayay Galmudug uga dhigan tahay."

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo ka hadlayay goobaha ay hadda ciidamada ku wajahan yihiin ayaa yiri "Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Galmudug oo iskaashanaya waxay ku wajahan yihiin Degmada Ceelbuur iyo Galhareeri oo ku yaala Gobolka Galgaduud, sidaasi si la mid ah deegaanka Bacaadweyne, Shabellow, Caad iyo Cammaara oo dhankaa Gobolka Mudug ah. Labadaasi qaybood ayay u badan yihiin meelaha la rabo in hawlgalka laga sameeyo, waxaana filaynaa marka cududda ciidamada hawlgalkaasi ka qayb qaadanaya aan fiirino inaysan kooxda Al Shabaab u babacdhigi karin ciidamada iskaashanaya."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si ku-meel-gaar ah ugu shaqayn doona Magaalada Dhuusamareeb, si uu uga la socdo qorsheynta hawlgalada, isaga oo kormeer ku samayn doona furimaha dagaalka, si uu u dhiirigeliyo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka."