Galmudug oo sheegtay in ciidamadu ku wajahan yihiin Degmada Ceelbuur

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa wada abaabul ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gacanta ku haynta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qorsheynaysa, sidii maleeshiyada Al Shabaab lagaga saari lahaa deegaanada ay haatan kaga harsan yihiin Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in si wanaagsan loogu diyaargaroobay qabashada degmadaasi.

"Ceelbuur marba heer bay soo martay, maantay waxay taagan tahay ama Dowladda Somaliya iyo dadka deganaa yeelanaya ama korreeyaa yeelanaya, wax dambe oo isku kaaya dhiman ma jiraan. Shaqadu waxaa weeye nin walba tiisa waa yaqaanaa." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

"Hawlgalo si buuxda looga soo shaqeeyay oo Dowladda Somaliya ay gacanta koowaad tahay, dadka deegaankuna ay gacanta labaad yihiin ayaa ka dhacaya Ceelbuur, maalmaha nagu soo fool leh, haddii Ilaahay idmo." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray "Mana la iska fadhinayo, mana la isku qarinayo."

Gudoomiye Guutaale ayaa ugu yeeray maleeshiyada Al Shabaab in ay isaga baxaan degmadaasi, haddii uu guluf ballaaran ku soo wajahan yahay, isla-markaana aanay lahayn cudud ay ku hor istaagi karaan ciidamada.

Ceelbuur oo dhacda bariga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa muddo dheer ka arriminayay maleeshiyada Shabaabka.