Ganacsade lagu dilay Guriceel iyo ninkii dilay oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Saldhigga Booliska Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye, kaas oo loo haysto in uu dilay Allaha u naxariistee ganacsade Deeq Cabdi Jaamac oo xalay lagu dilay Magaalada Guriceel.

Laba Xidigle Xasan Cusubow, Taliyaha Saldhigga Guriceel ayaa sheegay in eedeysanaha uu dilka ka dib isku dayay in uu ka baxsado gacanta sharciga, balse ay ciidamadu ka hortaggeen.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlayay saldhigga oo lagu soo bandhigay ninkaasi ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaa kuwa isku dayaya in ay amniga wax u dhimaan.

"Qof kasta oo amniga qalqal u gaysta ama isku daya inuu caddaaladda ka baxsado, waxaan ku qaban doonnaa gacan bir ah." Ayuu yiri Taliyaha.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale Warbaahinta la wadaagay qori AK47, kaas oo ay sheegeen in eedeysanuhu uu dilka u adeegsaday.

Saraakiisha ayaa ballanqaaday in baaritaan dheeri ah la samayn doono, ka hor inta aan eedeysanaha sharciga la horkeenin, si loo xaqiijiyo in cid kale ku lug leedahay dilkaasi iyo in kale.

Ganacsadaha ayaa xalay fiidkii lagu dilay gudaha magaalada, iyadoo aan la aqoon sababta ka dambeysa dilkiisa. Ganacsadaha iyo ninka ku eedeysan inuu dilay, labaduba waa reer Guriceel.

Ciidanka Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Sugidda Galmudug ayaa ka qayb qaatay hawlgal saacado socday, oo markii dambena lagu soo qabtay eedeysanaha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku hayaan nin labaad oo dhaawac uu soo gaaray, intii uu socday hawlgalkii lagu soo qabanayay eedeysanaha.

Wax yar uun ka dib dilka ganacsadaha, magaalada ayaa gashay xaalad kacsanaan ah, inkastoo xiisaddii ka jirtay ay degtay, markii ciidamadu ay xaqiijiyeen in gacan ku dhiiglaha la soo xiray.

Dilka ganacsadaha ayaa imanaya, xilli dilalka aanooyinka qabaa'ilada ay meeshii ugu sarreysay ka gaareen Galmudug.

Dilkan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo Taliye Cusubow uu dhowr cisho ka hor la wareegay xilka Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel.