Garabka Laftagareen oo digniin u jeediyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Mucaaradka uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa digniin hawada u mariyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Somali Bank.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee la safan Ex Madaxweyne Laftagareen ayaa Shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank ku eedeeyay in ay adeegyadooda ka xiranayaan Madaxda Koonfur Galbeed, iyagoo raacaya awaamiirta Dowladda Federaalka, isla-markaana ay akoonada iyo telefoonada ka xirayaan dadka ka aragtida duwan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxaan ogsoonahay waddankeenna burburkii ka dib, waxaa curtay isgaarsiin kala duwan oo telefoono ah, waxaana ugu weyn Shirkadda Hormuud oo Koonfurta Somaliya ka shaqeyso. Waxaa ayaan darro weyn ah in Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ay shirkadihii gaarka loo lahaa ku cadaadinayaan ayagoon wax sharci ah u haysanin in la yiraahdo cid walba oo feker iyo aragti ahaanba naga soo horjeedda waa in akoonadooda iyo telefoonadooda la xiraa, waa ayaan darro weyn oo u soo hooyatay dadka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri "Shirkadda Hormuud waa shirkad weyn iyo Salaam Bank oo is wataba dadka Soomaaliyeed macaamiil badan bay ku leeyihiin, iyana waxaan leenahay haddaad ka mid tihiin shirkad Xasan Sheekh Maxamuud uu leeyahay, dee hantida dadka Soomaaliyeed iyo codka ummadda Soomaaliyeed ee ugu badan, gaar ahaan Koonfurta Somaliya idiinkaa ku fadhidaan, waa inaad soo caddeysaan waxyaabaha khaladaadka ah aad ka geleysaan dadka reer Koonfur Galbeed iyo Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya."

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo muuqaal soo duubay, isagoo ku sugan Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa yiri "Haddii qof walboo Xasan Sheekh ay is qabtaan telefoonada iyo akoonada aad ka xirataan, caddaalad ma tihiin, shirkad gaar ahna ma tihiin. Dadka reer Koonfur Galbeed Somaliya in Xasan Sheekh Maxamuud uu diyaarado la dhaco, idiinkuna inaad Madaxda Koonfur Galbeed iyo shacbigooda adeegyadii gaarka ahaa ka xirataan, waan ka fiirsanaynaa."

Ugaas Xasan ayaa carabka ku adkeeyay "Hormuud iyo Salaam Bank waxaan leenahay fiiro kale ayaan idiinkugu laaban doonnaa, haddii Ilaahay idmo, wada-shaqaynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo idinkuna waxay noqon doontaa mid si aad ah looga fiirsado."

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Somali Bank waa shirkado ganacsi oo madaxbannaan, mana jiraan caddeymo rasmi ah oo muujinaya in ay ku shaqeeyaan awaamiirta Villa Somalia, balse Hay'adaha Dowladda Federaalka ayaa ku howlan, sidii loo dhaqangelin lahaa cunaqabatayn dhanka dhaqaalaha ah oo Guddiga Qaranka ee Ka hortagga Lacag-dhaqidda iyo La dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKL/LMA) uu 13-kii bishan ku soo rogay toban xubnood oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.