Garabka Laftagareen oo shirkadaha diyaaradaha ka mamnuucay inay ciidamada geeyaan Baydhabo

Garabka mucaaradka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xalay soo saaray amar ay shirkadaha diyaaradaha kaga mamnuucanayaan ama ku hakinayaan duulimaadyada ciidamada la gaynayo Magaalada Baydhabo.
Maamulkii hore ee Laftagareen oo weli ku adkeysanaya in uu yahay midka sharciga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shirkadaha diyaaradaha ku wargeliyay in la hakiyay dhammaan duulimaadyada, sida gaarka ah u qaada ciidamada iyo wixii agab ciidan la xiriira.
"Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya, waxay ku wargelineysaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha, howlwadeennada duulimaadyada iyo dhinacyada ay khuseyso in la hakiyay dhammaan duulimaadyada, sida gaarka ah u qaada ciidamada iyo agabka ciidan ee la xiriira." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen.
"Amarkani waxa uu dhaqangelayaa 07 September, 2026, wuxuuna sii jiri doonnaa illaa amar dambe. Hakintan waxay khuseysaa dhammaan garoomada diyaaradaha iyo gegiyada duulimaadyada ee ku yaala deegaanada Koonfur Galbeed Somaliya. Tallaabadan waxaa loo qaaday si loo xaqiijiyo badbaadada iyo amniga dadka rayidka ah, loona ilaaliyo habsami-u-socodka howlaha duulista, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni ee hadda jirta." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Duulimaadyada laga reebay hakinta, waxaa ka mid ah duulimaadyada ay fuliyaan Duulista Rayidka, Qaramada Midoobey (UN) iyo AUSSOM, kuwaas oo loo ogolaaday howlo bani'aadantinimo, caafimaad iyo hawlgalo rasmi ah oo la ansixiyay."
Qof kasta iyo hay'ad kasta oo ku xadgudubta amarkan ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inay wajihi doonto tallaabooyin sharciyeed iyo maamul.
Nuxurka amarkan ayaa ah in la joojiyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo, iyadoo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu si weyn ugu adeegsado ciidamada laga daabulo Caasimadda Muqdisho ee la geeyo Baydhabo.
Xoogaga u daacadda ah Laftagareen ayaa muddooyinkii u dambeeyay si gaar ah u bartilmaameedsanayay Baydhabo, si ka duwan magaalooyinka iyo deegaanada kale ee Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo ay tahay Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo goobta uu maamulku ku shaqeeyo, oo ay ku yaallaan Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.


