Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo maalinta Khamiista la xiri doono

Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee SCAA (Somali Civil Aviation Authority) ayaa shaaca ka qaadday in maalinta Khamiista la xiri doono Garoonka Aadan Cadde, sababo ku aaddan doorashada maalintaasi ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Hay'adda ayaa ku wargelisay shacabka Soomaaliyeed, wakaaladaha socdaalka iyo shirkadaha duulimaadyada in maalinta Khamiista oo ku beegan 25-ka bishan December aanu shaqeyn doonin Garoonka Aadan Cadde, doorashada awgeed.
"Iyada oo la tixraacayo ogeysiiska ku lifaaqan fariintaan, waxaa Shacabka Soomaaliyeed, Travel Agencies-ka iyo shirkaddaha diyaaraddaha la ogeysiinayaa in maalinta Khamiista ah oo ku beegan taariikhda 25 bisha December 2025 uu xiran yahay Garoonka Aadan Cadde doorashada awgeed." Ayaa lagu yiri war ay maanta soo saartay Hay'adda SCAA.
Muddada uu garoonku xiran yahay ayaa waxaan jiri doonin wax duulimaad ah oo ka degaya ama ka duulaya garoonkaasi. Tani ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xaqiijinayo badbaadada guud iyo habsami u socodka howlaha doorashada.
Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee toddobaadkan ka dhaceysa Muqdisho ayaa la qorsheeyay in ay hal maalin ku qabsoomto, waana maalinta Khamiista ee soo socota.
Doorashadan ayaa ka dhaceysa 16 degmo, iyadoona dadka loo diyaariyay 523 goobood oo ay ka codayn karaan.
Laamaha amniga ayaa maalinta doorashada hakin doona isu socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee gudaha magaalada.
Dadka codkooda dhiibanaya ayaan maalintaasi u baahan doonin in ay goobo fogfog u lugeeyaan, maadaama sanaadiiqda lagu codeynayo ay diyaar ugu yihiin xaafadaha ay degan yihiin.
Degmada Dayniile ayaa laga hirgeliyay goobaha ugu badan ee codbixinta, halka Degmada Shangaani ay tahay midda goobaha ugu yar laga furay.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in 57 sano ka dib ay dadka reer Muqdisho codayn doonaan.


