Garoonka Djibouti oo noqday mid mashquul badan, ka dib dagaalka Suudaan

Garoonka Diyaaradaha Ambouli ee Magaalada Djibouti ayaa noqday mid mashquul badan, ka dib markii dowladaha shisheeye ay toddobaadkii hore bilaabeen in ay diblomaasiyiintooda kala soo baxaan dalkaaasi Suudaan.

Dalalka saldhigyada militari ku leh dalka Jabuuti iyo dalal kale ayaa Garoonka Caasimadda Djibouti u adeegsanaya goob ay ka sii daadgureeyaan dadkooda ay ka soo samata-bixinayaan colaadda Suudaan.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Shiinaha, Japan, Jabuuti iyo dowlado kale ayaa diblomaasiyiintooda iyo muwaadiniintooduba kala soo baxay Magaalada Khartoum.

Garoonkan ayaa laga qaaday kumanaan qof oo dhawaan laga soo daadgureeyay dalkaasi Suudaan, kuwaa oo maalmo ku sugnaa Magaalada Djibouti.

Garoonka ayaa waxaa fadhiisanaya oo ka duulaya diyaarado fara-badan, oo hawlgalo daadgureyn ahi wada.

Shaqaalaha Garoonka Ambouli ayaa laga soo xigtay in mashquul iyo ciriiri badan uu haatan ka jiro garoonkaasi.

Dalalka Safaaradaha ku leh Caasimadda Khartoum ayaa 22-kii bishan bilaabay in shaqaalahooda iyo qoysaskooduba ka samata-bixiyaan dalkaasi ay colaaduhu ka jiraan, ka dib toddobaad uu dagaal dhiig badani ku daatay.

Dagaalka oo hadda galay toddobaadkiisii saddexaad ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof oo dad rayid ah u badan.