General Caanood: Hawlgalku wuxuu u socdaa si waafaqsan hab taatiko ah

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ka warbixiyay hawlgalka ballaaran ee ka socda qaybo ka mida deegaanada Galmudug.
Afhayeenka oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalku uu u socdo qaab xeeladeysan, oo looga hortaggayo inaanay maleeshiyada Al Shabaab dib dambe iska soo abaabulin.
"Sidaan horeyba isugu sheegnay hawlgalku wuu socdaa, laakiin si waafaqsan hab taatiko ah oo aysan wax khalad dambe oo gadaal ka iman karin buu u socdaa." Ayuu yiri Afhayeenku.
Waxa kaloo uu yiri "Waxaa socda sifeynta deegaanadii uu horey cadowgu u deganaa ee laga kiciyay, oo ay ka mid yihiin dhulalka kaymaha, hawdka, beeraleyda iyo daaqsiimaha ah, sifeynta dhulalkaas oo dhan ayaa hadda si weyn u socota."
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay Isniintii la wareegeen deegaanada kala ah Wabxo, Jaaw, Daadaale, Bidda Ciise iyo Galqoryaale.
"Ciidamadu waxay la wareegeen tuulooyin iyo deegaano waaweyn oo la yaqaano, oo ay ka mid tahay Wabxo oo ah magaalo weyn oo ceel biyood leh, waro leh, dhul daaqsimeed leh oo u dhiganta degmo, waxay kaloo ciidamadu la wareegeen tuulada Jaaw, oo ay joogeen cadowga, maxkamad uga dhisneed, xaasasna ay u joogeen, sidoo kale waxay ciidamadu la wareegeen Daadaale, Galqoryaale iyo Bidda Ciise." Ayuu yiri Afhayeenku.
General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhallinyarada ka barbar dagaalameysa Al Shabaab ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan, isagoona sheegay in ay heli doonaan shaqo, waxbarasho, xorriyad iyo mustaqbal wanaagsan.
"Dhallinyarada la marin habaabiyay waxaan ugu yeeraynaa inay ciidamada isu soo dhiibaan, hadday ciidanka isu soo dhiibaan waxay noqonayaan muwaadiniin xaq leh, waxay helayaan shaqo, waxbarasho, xorriyad iyo mustaqbal wanaagsan." Ayuu yiri General Caanood.
General Caanood ayaa intaasi ku daray "Haddii aysan ciidanka isu soo dhiibin oo goobaha dagaalka la isugu taggo, waxay noqonayaan mid dhintay ama mid la qabto, kan la qabtayna sharciga iyo maxkamadda baa la gaynayaa, kan dhintayna wuuba dhintay. Si aad mustaqbal iyo aayatiin fiican u yeelato isu soo dhiib ciidanka."


