General Cirro oo ciidamada ku jiheynaya meelaha aan ahayn kontoroolada ee Baydhabo laga soo galo
Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa degan, balse xiisadaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira magaaladaasi ayaa abuuray cabsi ah inay carqaladeeyaan Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.
Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa maraya marxalad heer geba-gabo ah, iyadoo lagu wado in wax ka yar laba toddobaad gudahood lagu soo doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka, Kuxigeenadiisa iyo Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo Saraakiil kale ayaa xalay Baydhabo kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo u xusul-duubaya inuu noqdo Hoggaamiyaha xiga ee Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa si dhow looga hadlay amniga magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa, iyadoo laga hortagayo weerarada ay magaalada ku soo qaadayaan ciidamada taageersan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee awoodda laga tuuray 30-kii bishii March.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in masuuliyiinta ay isla qaateen in lala socdo dhaqdhaqaaqa meelaha aan ahayn kontoroolada Baydhabo, laakiin sidoo kale laga soo geli karo magaaladaasi.
Kontoroolada laga soo galo Magaalada Baydhabo ayaa waxaa labadii bilood ee u dambeeyay ku sugnaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Polizia Militare, balse ma jiraan wax ciidan dowladeed oo ku sugan meelaha ka baxsan kontoroolada ku yaala duleedyada magaaladaasi, ciddii taqaanana ay ka soo geli karto magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in General Cirro uu si dhakhsa ah ciidamada ugu jihayn doono goobaha u baahan in laga xakameeyo ciidamada u daacadda ah Laftagareen.
General Cirro ayaa ah Sarkaalka ugu sarreya Saraakiisha Militariga Somaliya ee haatan ku sugan Baydhabo, si uu Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo laamaha amniga uu uga taageero howlaha sugidda amniga.
Dowladda Federaalka ayaa jananka u dirtay magaaladaasi, ka dib markii taageereyaasha Laftagareen ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan kontoroolada Baydhabo iyo falalka kale ee ay ku qalqalka gelinayaan ammaanka magaalada.
Amniga Baydhabo ayaa muhiim u ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u miro-dhalo is bedelkii siyaasadeed ee daba-yaaqadii bishii March ka dhacay magaaladaasi, markaas oo meesha laga saaray Laftagareen.








