General Cirro oo lagu wargeliyay inuu ku soo laabto Muqdisho

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ku wargelisay inuu dib ugu soo laabto caasimadda.

Jananka oo afartii sano ee u dambeysay ku magacawnaa Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa 15-kii bishii May loo diray Magaalada Baydhabo, si uu u qaabeeyo amniga magaaladaasi, ka dib markii ciidamada taageersan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee kursiga laga tuuray ay xilligaasi kordhiyeen weerarada ay ku qalqalka gelinayaan ammaanka magaaladaasi.

Qorshaha jananka loogu diray Baydhabo ayaa khuseeyay inuu laamaha amniga ka gacan siiyo sugidda amniga ee magaalada, illaa iyo inta laga dooranayo Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, kaas oo Arbacadii lagu doortay Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in maadaama uu jananku gutay waajibaadkiisa qaran ay hadda Madaxtooyada ugu baahatay inay shaqo kale ugu dirto deegaanada Galmudug oo doorashooyin ay ku soo fool leeyihiin.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay qarka u saaran tahay inay qaadato go'aan ay Ciidamada Qalabka Sida si buuxda ugu la wareegayaan amniga Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoona wararku sheegayaan in qorshaha miiska saaran, balse aan weli lagu dhaqaaqin uu yahay in meesha laga saaro dheelitirka awoodeed ee ka jira magaalada, si uu dhinac qura u maamulo.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo khilaaf ku aaddan arrimaha doorashooyinka uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka feejigan in Dhuusamareeb ay ka baxdo gacanta maamulkiisa.

Qoorqoor ayaa fahamsan in Dhuusamareeb oo la lumiyo ay uga dhigan tahay guul darro istiraatiiji ah iyo inuusan xitaa wax gorgortan siyaasadeed ka geli karin habraaca doorashada.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa iska cad inaysan si fudud uga tanaasuli karin Dhuusamareeb, maadaama ay muhiim u tahay inay ku shaqeeyaan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si ay uga hoggaamiyaan doorashada ay tahay in laga qabto 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, ugu dambayna loogu doorto Hoggaamiyaha Galmudug.

Madaxtooyada Somaliya ayaa ka shaqeynaysa in la bedelo Qoorqoor, iyadoo booskiisa u waddo ganacsadaha lagu magacaabo Liibaan Axmed Xasan, laakiin taas waxay keeni kartaa baa la leeyahay isku dhac ciidan, marka aad eegto in Qoorqoor uu haysto ciidamo fara-badan oo diyaar u ah inay ka hortaggaan in doorashada lagaga shubto.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in maamulku uu taageeri doono qabashada doorasho hufan, isla-markaana heshiis lagu yahay.

Wasiir Cali Seeko oo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri “Dowladda Galmudug waxay ku baaqeysaa in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo caddaalad ah, si natiijada ka soo baxda ay u noqoto mid sharciyad, kalsooni iyo wada ogolaansho ku dhisan.”

Doorasho kasta oo lagu kala qaybsan yahay ayaa mustaqbalka cawaaqib xun ku yeelan karta siyaasadda, xasilloonida iyo wadajirka dadka reer Galmudug.

Ma cadda in General Cirro uu aqbali doono shaqada Galmudug iyo in kale, waxaase laga yaabaa in haddii uu ka cudurdaarto loo wareejiyo xagga Hirshabelle.