General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ka degay Dhuusamareeb
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Taliyaha oo safarka ay ku wehliyaan xubno Saraakiil ah ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne), Kaaliyeyaashiisa iyo Saraakiil ka tirsan Militariga Jabuuti ee degan garoonkaasi.
"Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daaran dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta." Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Taliyaha Militariga Somaliya uu tababar u soo xiri doono ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo billihii u dambeeyay uu tababar uga socday deegaanka Xananbure (Xananbuure).
Safarka Taliyaha ee Dhuusamareeb ayaa imanaya, xilli ay gudaha magaalada ka jiraan dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda, oo ay ka wadaan ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Xiisadda maalmihii la soo dhaafay laga dareemay magaaladaasi ayaa ka dhalatay khilaafka cusub ee dhawaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Dowladda Federaalka ayaa waxaa suurtagal ah in ay xoog kula wareegto amniga magaalada, iyadoo laga hortagayo in Madaxweyne Qoorqoor uu carqaladeeyo Doorashada Golaha Deegaanka iyo tan Baarlamaanka ee 20-ka June iyo 2-da July laga qabanayo deegaanada Galmudug, iyadoo Doorashada Hoggaanka Galmudug uu qorshuhu yahay in iyana la qabto 9-ka bisha July.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la qiyaasaya in uu ku dagaalami doono gacan ku haynta magaaladaasi, haddii aan wax xal ahi laga gaarin khilaafka taagan.
Dhuusamareeb waa meesha laga hoggaamin doono doorashada tooska ah ee deegaanada Galmudug, wuxuuna Qoorqoor u arkaa mid ka caawin karta dib u doorashadiisa iyo inuu ka hortago wax kasta oo keeni kara in doorashada lagu shubto.
Dadka reer Dhuusamareeb ayaa welwel ka muujinaya suurtagalnimada in lagu dul dagaalamo, iyadoo odayaasha iyo waxgaradkuna ay ku baaqayaan in laga baaqsado wax kasta oo gacan ka hadal keeni kara.

















