General Laba Afle: Annaga iyo Shabaab wixii aan kala helno ayaan leenahay
General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle), Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo hoggaaminaya ciidamada jihada bari kaga sii socda Magaalada Ceelbuur ayaa sheegay in ay si weyn ugu soo diyaargaroobeen gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha ayaa hoggaaminayo ciidan xoog leh oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb, kuwaa oo Arbacadii iyo Khamiistii la wareegay gacan ku haynta deegaanada Ceel La-helay iyo Bulacle, oo ku yaala inta u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.
Taliyaha ayaa ku hanjabay in ay dalka ka ciribtiri doonaan maleeshiyada Shabaabka, isagoona cod kore ugu sheegay in ay ku soo maqan yihiin dhulka ay ka arrimiyaan.
"Ujeedkeenu waxaa weeye in aan cadowga Khawaarijta ah la dirirno." Ayuu yiri Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay furimaha hore.
Taliyaha ayaa yiri "Ciidanka aad arkaysaan, muuqaalkooduna idiin muuqdo iyo Saraakiil aad u carbisan ayaan ku soo ambabaxnay, waxaana diyaar u nahay inaan difaaca dalka si adag oo dadnimo ay ku jirto uga qayb qaadano."
Waxa kaloo uu yiri "Wixii Khawaarij ah, hadde annagana waan isku maqanahay, ha ogaadeen waan u soo ambabaxnay."
General Laba Afle oo sii hadlayay ayaa yiri "Annaga iyo Khawaarij wixii Alle na kala siiyo ayaan leenahay. Aniga iyo nimanka aagga iga horreyo ku jira waan kulmi doonnaa Insha'Allah, wax Alle na kala siiyaba."
Jananka ayaa intaasi ku daray "Waxaa inta jecel difaaca dalka u sheegaya inaan diyaar u nahay dalka difaaciisa, qalbiga ku dejiya, taasna ogaada, cadowguna haka naxo ama yaanu ka nixinee, waan isku maqanahay."
Ciidamada uu horkacayo General Laba Afle ayaa ku sii jeeda deegaanka Ceelgaras, oo Shabaabku ku leeyihiin difaacooda bari ee Ceelbuur.








