General Mahad Cabdiraxmaan oo mar kale loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta ansixiyay magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud ayaa golaha u soo jeediyay in mar kale General Mahad Cabdiraxmaan Aadan loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Asluubta.
"Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Golaha Wasiirada.
General Mahad Cabdiraxmaan ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta iska wareejiyay 15-kii bishii April ee sanadkii 2022, ka dib markii 15-kii bishii March ee isla sanadkaasi loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, maadaama aanu isu hayn karin laba xil.
Jananka ayaa hadda u muuqda in uu ka tanaasulay xubinimadiisii Golaha Shacabka.


