General Odawaa Yuusuf Raage oo dib u soo nooleynaya hawlgalka ka dhanka ah Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maalmahaanba Gobolada Dhexe ka waday abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada ee hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa Talaadadii jiidda hore ku booqday ciidamada ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxaana uu gaarsiiyay farriin uu ugu sheegayo in dagaal la qaadayo.

Arbacadiina, Taliyaha ayaa booqasho ugu tegay ciidamada fariisimaha ku leh duleeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, wuxuuna kula dardaarmay in ay u diyaargaroobaan dagaalka.

"Waxaan idinka sugaynaa casharadii la idinku yaqaanay inaad cadowga u dhigtaan. Arrintaasi ma dhacee, ballan ma tahay?" Ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay ciidamada.

Taliyaha ayaa sidoo kale la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaanka Ciidanka Difaaca Shacabka (Macawiisley). Taliyaha ayaa cod kore ugu sheegay in dalku uu dagaal aadayo.

Jananka da'da yar ee maamula Militariga Somaliya ayaa joogteynaya mushaaraadka iyo gunnooyinka la siiyo Xoogaga Macawiisleyda, kuwaa oo muhiim u ah hawlgalka lagu xoreynayo dalka, isla-markaana aysan ugu dhex milmin dagaal beeleedyada.

Xoogagan ayaa door weyn ka qaatay wejigii hore ee gulufkii militari ee Shabaabka lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug.

Jananka ayaa hadda riixaya, sidii xoogagaasi ay mar kale uga soo muuqan lahaayeen furimaha hore, iyagoo markaasi garab siinaya Ciidamada Dowladda.

Hawlgalada ayaa gaabis noqday amaba istaagay, ka dib markii Villa Somalia ay ku mashquushay wax ka bedelka Dastuurka KMG iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore muuqaal uu soo duubay kula hadlay ummadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in caalamka uu ka filayo in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay u istaagaan la dagaalanka kooxahaasi iyo sidii dalka looga suulin lahaa.

"In yar ayaa noo dhiman, inta yar ee noo dhiman aan dhamaystirno. Dalka aan ka kicino cadowga ku habsaday ee 18-ka sano hadda sii gelayso." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri "Codkeenna aan midayno, xoolaheenna aan midayno, xoogeenna aan midayno, siyaasadeenana aan midayno. Dalka cadowga Shabaab-na waan ka kicinaynaa Ilaahay idinkiis, in badana waan ka soo kicinay, inta dhimana waan dhamaystiraynaa Ilaahay idinkiis. Xoog iyo xeelad wixii aan isticmaalnaba."

Qorshaha hadda socdo ayaa ah in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu isku xiro hawlgalada deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, iyadoo markaasi la qabanayo dhulka ay Shabaabku kaga harsan yihiin Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Qaranka iyo Taliska Militarigaba ay dhawaan isla qireen in Shabaabku ay ka shaqeynayaan, isla-markaana ay hurinayaan isku dhacyada qabaa'ilada ee muddooyinkanba ku soo badanayay Gobolada Dhexe, taasna ay wiiqeyso hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa horey Shabaabka ugu eedeeyay in ay iska horkeenayaan beelaha walaalaha ah, si ay uga mashquuliyaan dagaalka lagu la jiro.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Khamiistii soo saartay waaran soo qabasho ah oo lagu soo xirayo 14 eedeysane, oo loo haysto in ay ka masuul yihiin askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo 26-kii bishii December aano qabiil loogu dilay duleedka Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ujeedada ayaa ah in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo ku leh inay qayb ka tahay colaadda beelaha, si loo xakameeyo isku dhacyada beelaha dhexdooda ah.

Taliska Militariga ayaa isku dayaya in maleeshiyada beelaha dib loogu jiheeyo dagaalka lagu la jiro Al Shabaab, si gacanta dowladda loo soo geliyo dhulka maqan.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilka dib loogu soo magacaabay 10-kii bishii November. Ku soo laabashadiisa shaqada ayaa loo arkaa mid door muhiim ah ka qaadan karta dagaalka ka dhanka ah Shabaabka.