General Odawaa Yuusuf Raage oo ku laabtay furimaha dagaalka

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku laabtay furimaha dagaalka, si uu wax uga hoggaamiyo qorshaha dagaal ee haatan ka socdo Gobolada Dhexe.

Deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxaa ka socda abaabul xoogan, oo loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa lagu wadaa in ciidamadu uu ku jiheeyo dhulka hawdka ee dhaca xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada uu wato General Odawaa Yuusuf Raage ay halkaasi uga gudbi doonaan dhanka Bariga Gobolka Galgaduud, isla-markaana ay socon doonaan illaa Magaalada Ceelbuur.

General Odawaa ayaa waxaa hawlgalka ku wehlinaya janaraalo uu ka mid yahay General Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule), oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay General Odawaa ku qancisay in uu gacan ka gaysto dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Dhaqdhaqaaqa xoogga leh ee haatan ka jira Gobolada Dhexe ayaa ah, sidii Shabaabka looga saari lahaa dhulka ay ka maamulaan goboladaasi.