General Sulub oo wada tallaabooyin lagu sugayo amniga Muqdisho

Ka dib markii ay korodhay cabashada ka imaaneysa bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee la xiriirta falalka amni darro ee maalmihii ugu dambeysay ku soo batay magaalada ayaa waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin uu bilaabay tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Magaalada ayaa waxaa toddobaadkan lagu dilay ku dhawaad labaatan ruux. Amniyaadka Al Shabaab ayaana magaalada ku dilay xubnihii ugu badnaa ee lala xiriiriyo ciyaal weerada. Sidoo kale Ciidamada Dowladda ayaa iyaguna dilay dad shacab ah oo aan hubeysnayn, tani oo walaac xoog leh ku dhalisay dadka reer Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa tan iyo Arbacadii magaalada ka waday kulamo uu la qaadanayay qaybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada, iyadoona hadafku yahay in wax laga bedelo hannaanka shaqada ee ciidamada, si looga hortaggo falalka liddiga ku ah ammaanka.

Taliyaha ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran, si ay gacan joogto ah u siiyaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa Saraakiishaasi u sheegay, haddii kooxaha argagixisada ay weeraradooda kordhiyeen, ay tahay in iyana ay shaqadooda laba laabaan, si loo ilaaliyo badqabka shacabka iyo hantidooda.

General Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiil aan magacyadooda la sheegin u xushay in ay kormeer joogto ahi ku sameeyaan ciidamada ku sugan barraha amniga lagu hubiyo ee Caasimadda Muqdisho, iyagoo markaasi qiimeynaya habdhaqankooda.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa soo saaray go’aamo dhowr ah, oo wax lagaga qabanayo dhacdooyinka soo laalaabtay ee lagu waxyeeleynayo darawalada mooto bajaajta.

Golaha ayaa guddi heer wasiiro ah u xilsaaray, sidii loo xaqiijin lahaa 4-ta qodob ee ka soo baxay shirkii ay maanta ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.