General Xaamud oo ka degay Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa galabta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska Gobolka Baay iyo kuwa Asluubta ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud.

War ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa lagu sheegay in General Xaamud uu safar shaqo ku yimid Baydhabo, isla-markaana uu kormeer ku samayn doono xarumaha ciidamada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay Dowladda Federaalka kaga jawaabeyso codsi uu toddobaadkii hore u soo jeediyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo la xiriiray in Baydhabo loo soo diro Saraakiil khibrad leh oo ka caawiya howlaha sugidda amniga iyo wixii ciidan ah ee laga maarmi karo.

Aadan Madoobe ayaa waxa uu loolan kala dhexeeyaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo diiday in uu aqoonsado madaxtinimadiisa.

Loolanka u dhexeeya maamulka cusub iyo hoggaankii hore ayaa dhabaha u xaaraya xasillooni darro baahsan, oo haddaba la arki karo sida ay u saameynayso amniga iyo xasilloonida Magaalada Baydhabo.

Labada garab ayaa mid kasta, waxa uu isku dayayaa in uu awood ciidan iyo mid siyaasadeed ku muujiyo Baydhabo, oo ah xarunta uu maamulku ku shaqeeyo.