Gobolka Shabellaha Dhexe oo uu ka socdo hawlgal lagu soo afjarayo Shabaabka go'doonsan
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay gudaha u sii gelayaan goobaha ay ku yaallaan godadka ay maleeshiyada Al Shabaab ka dagaalamayaan ee Gobolka Shabellaha Dhexe, dhawaana lagu go'doomiyay.
Maleeshiyada ayaa la sheegaya in weli ka dagaalameyso beeraha Ciid Ciidka (Jimbilow) oo ku yaala deegaanka Cali Fooldheere oo hoostagga Degmada Mahadaay.
Wararka ayaa sheegaya in hawlgalka maanta ka socdo deegaankaasi uu ka ballaaran yahay midkii maalmihii ugu dambeysay ay ciidamadu kula dagaalamayeen maleeshiyadaasi, ka dib gurmad ciidan oo shalay halkaasi gaaray.
Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) oo gaaray beeraha Ciid Ciidka ayaa la sheegaya in uu la wareegay doorka hoggaamineed ee hawlgalka lagu soo afjarayo maleeshiyadaasi.
Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ku fara-adaygaya, sidii ay halkaasi u sii joogi lahaayeen, maadaama ay u arkaan dhul ku wanaagsan gabaadka, weeraradana ay ka soo qaadi karaan.
Marka aad milicsato godadka ay ka dagaalamayaan waa kuwo ay ka hoos qoteen geedaha la harsado ee ku dhex yaala dhul beereedka ay ku sugan yihiin.
Shabaabka ayaa qaarka hoose kula jira godadkaasi, iyagoona iska caabinaya ciidamada ku soo siqaya aagagga ay ka dagaalamayaan.
Saraakiisha Ciidamada ayaa ku hanjabay inaanay Shabaabku sii joogi doonin halkaasi, isla-markaana ay soo afjari doonaan.
Joogitaanka Al Shabaab ee Ciid Ciidka ayaa lagu sheegay mid khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa lagu eedeeyay in ay daanta galbeed ee Webiga Shabelle uga soo gudbeen, sidii ay deegaanada Hirshabelle uga gaysan lahaayeen falal amni darro.
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo Talaadadii gaaray Ciid Ciidka ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjari doono maleeshiyadaasi, kolka ay deegaanku soo gaaraan gurmad ciidan oo xilligaasi uu sheegay inay ku soo wajahan yihiin.









