Gobolka Shabellaha Hoose oo laga soo xiray afar nin

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay afar nin oo ku eedeysan inay la shaqeynayeen lixda nin ee baxsadka ah ee Maxkamadda Militariga ay Sabtidii dilka toogashada ku xukuntay.

Raggan ayaa loo haystaa in ay ka tirsan yihiin maleeshiyadii qabaa'ilka ee isbaarada u tiilay deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose. Hawlgalkan lagu soo qabtay ayaana yimid, xilli sida la sheegay ay xalay jidka u galeen dad la socday mootooyin, oo ay ku weerareen waddada isku xirto Yaaq-bariweyne iyo Leego, isla-markaana ay dadkaasi ka qaateen lacag gaareysa 1,500 oo dollar.

Isbaarada Yaaq-bariweyne ayaa dhowr jeer lagu dilay dad safar ahaa iyo qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka, iyadoona ciidamadu ay Axaddii qaadeen isbaaradaasi. Raggan ayaana la sheegay in ay ka mid ahaayeen maleeshiyadii isbaarada halkaasi u tiilay ee carartay, meelo kalena ka bilaabay in ay dadka ku baartaan.

Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa sheegay in raggaasi ay horgayn doonaan sharciga.

Taliyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalka ay kula dagaalamayaan isbaarooyinka iyo meelaha kale ee maleeshiyaadka beelaha ay dadka ku dhacayaan.

"Hawlgalkaasi ma istaagi doono, waana sii wadi doonnaa, Ilaahay idiinkiis illaa aan ciribtirno, si ummadda ay nabad ugu marto waddadaas." Ayuu yiri Taliyaha Guutada 7aad ee Militariga Somaliya.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray "Bannaanka inta ay ku dhuuman karaan wax yar oo kooban waaye, dadka hadda daba taagan oo raadinaayana waa dowlad saadkeeda, gaadiidkeeda iyo ciidankeeda wadata, wax ka dhimana aysan jirin."

Afarta nin ee gacanta lagu soo dhigay ayaa la geeyay Degmada Wanlaweyn, waxaana suurtagal ah in looga sii qaado dhinaca Magaalada Muqdisho, haddiiba aan lagu maxkamadayn gudaha Wanlaweyn, si la mid ah maleeshiyadii toddobaadkii hore lagu maxkamadeeyay degmadaasi.

Hawlgalkan ka socdo gobolka ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashanaya Ciidanka Guutada 7aad iyo Booliska Saldhigga Degmada Wanlaweyn.