Golaha Ammaanka oo ansixiyay qaraarka Trump ee ciidamada la gaynayo Gaza
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay meelmariyay qaraar qabyo ahaa, oo ku saabsan Ciidamada Xasillinta ee Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu riixayo in la geeyo Marinka Gaza.
Qaraarkan oo uu ka soo shaqeeyay Madaxweynaha Mareykanka ayaa taageeraya ciidamo caalami ah oo soo celiya kala dambaynta Gaza, ilaalinta dadka rayidka ah iyo in gargaar mug leh uu galo Gaza.
13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ansixiyay qaraarkaasi, halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen, mana jirin cid diiday.
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Mike Waltz ayaa golaha uga mahadceliyay, sida ay u garab istaageen dalkiisa, uguna codeeyeen qaraarkaasi.
Safiirka ayaa tallaabadan ku sheegay xal taariikhi ah oo wax dhisaya, kaas oo dariiq cusub u furaya sida uu yiri Bariga Dhexe.
"Qaraarka ayaa ah qorshe geesinimo leh oo macquul ah, isla-markaana ka dhashay qorshaha 20-ka qodob Trump ee ee Gaza." Ayuu yiri Safiirka oo intaa raaciyay "Qaraarku wuxuu ahaa natiijada dadaalada diblomaasiyadeed ee ay ku lug leeyihiin Qatar, Masar, Sacuudiga, Pakistan, Indonesia iyo Turkiga."
Safiirka ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee la gaynayo Gaza ay tababari doonaan ciidamo boolis ah oo la wareega amniga dadka reer Gaza, taas oo sida uu sheegay keeneysa in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo Gaza.
"Waxaa jiri doona Maamul KMG ah oo loo dhisayo Gaza, maalgelin dib u dhisna ka helaya sanduuq ammaan oo uu taageerayo Bangiga Adduunka." Ayuu yiri Safiirka oo hadalkiisa ku xoojiyay "Qaraarku wuxuu jaangoynayaa dariiq macquul ah oo loogu talagalay aaya ka tashiga Falastiiniyiinta, ka dib markii Maamulka Falastiiniyiinta uu dhameystiro dib-u-habaynta."
Madaxweyne Trump oo dhankiisa soo dhaweeyay codeynta golaha ayaa bulshada caalamka ugu hambalyeeyay, waxa u ku sheegay codka cajiibka ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobey.
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay in qaraarku uu horseedi doono in la abuuro guddi nabadeed, kaasoo uu isagu uu guddoomiye u noqon doono.
Trump ayaa tilmaamay in guddiga uu ku soo dari doono madaxda ugu awoodda badan iyo kuwa la ixtiraamo ee adduunka oo dhan.
Trump ayaa u mahadceliyay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, oo ay ku jiraan kuwa ka aamusay codeynta iyo sidoo kale dalal, oo sida uu sheegay si xoogan u taageeray dadaalkiisa oo ay ku jiraan buu yiri Qatar, Masar, Emirate-ka Carabta, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Indonesia, Turkiga iyo Jordan.
"Xubnaha guddiga iyo ogeysiisyo badan oo xiiso leh ayaa la samayn doonnaa toddobaadyada soo socda." Ayuu yiri Trump, isaga oo daba jooga guddiga nabadeed ee la samayn doono ee isaga uu hoggaaminayo.
Ciidamada Xasillinta ee la gaynayo Gaza ayaa la doonaya in ay hub ka dhigis ku sameeyaan Ururka Xamaas ee Falastiin.












