Golaha Mustaqbalka oo aqbalay hannaan doorasho oo toos ah

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland ayaa isku raacay hannaan doorasho oo toos ah in dalka laga qabto.
Isbahaysiga siyaasadeed ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galabta sheegay in goluhu uu ansixiyay hannaan doorasho oo toos ah, oo ay tahay in dalka laga qabto, iyadoo hannaankan uu ilaalinayo nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.
Golaha ayaa dalbaday in la joojiyo doorashada halka dhinac ah ee natiijadeeda la sii ogyahay ee ay waddo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in uu soo bandhigi doono faah faahinta, mabaadii'da hageysa iyo habraacyada fulinta hannaankan, kolka ay bilowdaan wada hadalada xalka looga gaarayo khilaafka doorashooyinka.
Warsaxaafadeedka golaha ayaa u qornaa;-
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka ku wargelinayaa in goluhu ansixiyay hannaan doorasho toos ah ee xilliga kala guurka (Transitional Direct Elections Model), si dalka looga saaro cakirnaanta siyaasadeed, loona helo doorasho loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, isla-markaana leh sharciyad kalsooni siyaasadeed.
Go'aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaa saldhig u ah tanaasul siyaasdeed iyo u turidda shacabka Soomaaliyeed ee hammuunta u qaba in si degdeg ah looga heshiiyo khilaafka doorashooyinka.
Hannaankan cusub wuxuu is waafajinayaa xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si xor ah oo toos ah u doortaan wakiiladooda, iyadoo la ilaalinayo hab qaybsiga metelaadda ee 4.5.
Goluhu wuxuu adkeynayaa in la joojiyo doorashooyinka hal dhinaca ah ee natiijadooda horey loo sii asteeyay ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, si loo najixiyo wada hadalka hannaanka doorashada tooska ah, kaas oo xaqiijin kara in codka shacabka Soomaaliyeed uu noqdo saldhigga sharciyadda siyaasadeed.
Goluhu wuxuu soo bandhigi doonnaa faah faahinta, mabaadii'da hageysa iyo habraacyada fulinta hannaankan, marka si rasmi ah loo fariisto miiska wada hadalada siyaasadeed ee lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka iyo maareynta marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka.


