Golaha Mustaqbalka oo cambaareeyay Wasiir Fiqi, kana digay xaalad halis ah

Golaha Mustaqbalka Somaliya oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland ayaa cambaareeyay war dhiilo xambaarsan oo maanta ka soo yeeray Wasiirka Difaaca, Axmed Macalin Fiqi, qaybna ka ah handadaadda uu mar walbaba u mariyo qalabka Warbaahinta iyo barraha bulshada.
"Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaareynayaa hanjabaadaha dagaal ee uu Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda xil-gaarsiinta u jeediyay Mucaaradka iyo Xubnaha Golaha Musaqbalka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu goluhu soo saaray.
Golaha ayaa sheegay inay hanjabaadahaas u tixgelin doonaan kuwo ka socda dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku eedeeyeen inuu muddooyinkii dambe ku howlanaa abaabul ciidan iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka.
"Goluhu uma arko hanjabaadahaas hadal shakhsiyadeed, balse wuxuu u arkaa in uu ku metelayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddooyinkii dambe ku howlanaa abaabul ciidan iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka, iyadoo lagu gambanayo amni iyo xasillooni." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.
Isbahaysiga siyaasadeed ee Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaadi doono masuuliyadda, wixii cawaaqib ah ee ka dhashay shirqool kasta oo ka dhan ah mucaaradka iyo xasilloonida dalka, iyagoona xaaladda qaabka ay ku socoto ku sheegay mid halis ah.
"Somaliya waxay leedahay waayo-aragnimo xanuun badan oo la xiriira hanjabaad, caburin iyo adeegsiga awood ciidan, si dano siyaasadeed loogu gaaro. Goluhu wuxuu caddeynayaa in Madaxweynihii hore uu qaadi doono masuuliyadda, wixii ka dhasha shirqool kasta ama qorshe kasta oo guracan, kana dhan ah mucaaradka iyo xasilloonida dalka." Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Golaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba inay si dhow ula socdaan, waxa ay ku sheegeen xaaladdan halista ah.
"Goluhu wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay si dhow ula socdaan xaaladdan halista ah." Ayaa lagu soo geba-gabeeyay warsaxaafeedka.
Talaadadii ayay ahayd, markii Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed uu sheegay inuu dhamaaday muddo xileedkii Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, isla-markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh noqonayo Madaxweyne hore, Xildhibaanaduna ay noqonayaan Xildhibaano hore, halka xukuumadduna uu sheegay inay noqoneyso xukuumad xil-gaarsiin.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay doonayaan in heshiis buuxa laga gaaro Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba, marba haddii uu dowladdu ka dhamaaday waqtigii ay dalka doorashada kaga qaban lahayd.


