Golaha Mustaqbalka Somaliya ee ku shirsan Kismaayo oo doortay Xoghaye

Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ay Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) u doorteen in uu noqdo Xoghayaha Golaha Mustaqbalka Somaliya.
Golahan ayaa waxaa ku mideysan Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ee daba-yaaqadii bishii May la magac-baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa soo noqday Wasiirkii Waxbarashada ee Xukuumaddii Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Eng. Carab ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreyay ee Golaha Shacabka ka tirsan ee bishii April ee sanadkii 2022 lagu doorto Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
16 kursi oo Golaha Shacabka ah ayaa xilligaasi doorashadooda lagu qabtay Ceelwaaq, ka dib markii laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo. Guddigii Doorashooyinka Qaranka ayaa xilligaasi sababo amni awgood doorashada kuraastaasi uga soo wareejiyay Garbahaarey.
Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay dood adag ka taagan tahay, isla-markaana aan weli lagu heshiinin xubnaha noqonaya Gudoomiyaha Golaha Mustaqbalka Somaliya iyo Gudoomiye Kuxigeenka golahaasi.
Magacaabidda Eng. Carab ayaa ka dhigan wejiga koowaad ee qaab dhismeedka uu Golaha Mustaqbalka yeelanayo.
Golahan ayaa ah garab siyaasadeedka ugu weyn ee ka biyo diidan hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka.


