Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Sharciga Hay'adda Socdaalka & Jinsiyadaha.
Wasaaradda Amniga oo Hindise Sharciyeedkan u gudbisay Golaha Shacabka ayaa maray akhrinta 1aad, 2aad iyo tan 3aad oo maanta uu maray, iyadoo intaasi ka dibna cod loo qaaday.
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo cod gelisay ayaa waxaa haa ugu codeeyay 145 Xildhibaan, iyadoo 1 Xildhibaan uu diiday, halka 6 kalena ay ka aamustay.
Sacdiya Yaasiin ayaa ku dhawaaqday in sidaasi uu ansax ku noqonaya Sharciga Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa 31-kii bishii January meelmariyay Hindise Sharciyeedka Hay'adda Socdaalka, ka dib markii ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga.









