Golaha Shacabka oo si ku-meel-gaar ah u hakiyay kulamadii golaha
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 23aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, oo ajandihiisu ahaa hakinta fadhiyada Golaha Shacabka, inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka, fasaxa ciidda iyo ajandeynta warbixinada la xisaabtanka xukuumadda.
Kulanka ayaa lagu go'aamiyay in la hakiyo kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka, laga bilaabo maalinta Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 17-ka bishan June illaa 5-ta bisha soo socoto ee July, markaas oo kulamadii golaha ay dib u bilaaban doonaan.
Geba-gabadii kulankaasi Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta loo hakinayo kulamadii golaha ay la xiriirto, iyadoo ay waajibaadka Xajka gudanayaan Xildhibaano badan oo golaha ka tirsan.
Kulanka ayaa soo kale looga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab-xirka miisaaniyadda, ugu dambayn 30-ka bishan, si waafaqsan qodobka 102aad, faqradda 1aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.
"Intaa fasaxa lagu jiro waxaan filaynaa inay soo gudbin doonto xukuumadda xisaab-xirkii miisaaniyadda sanadka. 5-ta bisha Luulyo oo ku aaddan maalin Arbaco ah waxaa bilaaban doona kulanka golaha, kaas oo ay sii socon doonaan ajandayaasha u yaala golaha. Ajandayaashii golaha horey ugu yaalay ayaa si isku dhaf ah u bilaaban doona, inta ka horeysana waxaan rajeynaynaa inay xukuumaddu soo gudbin doonto xisaab-xirka laga sugayo, waqtigiisa inay ku soo gudbiyaan." Ayuu yiri Habdhowraha Golaha Shacabka.
Fasaxan ay hadda gelayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa imaanaya, xilli Xildhibaanadu ay 29-kii bishii May ka soo laabteen fasaxoodii dhexe oo muddo laba bilood ahaa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana xilligaasi Kalfadhiga 3aad ee Golaha Shacabka ka furay Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Xildhibaanadu ay Arbacadii shalay dood xasaasi ah ka yeesheen xiisadda ka soo korortay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona Xildhibaanadu aad moodeysay inay la kala safteen Ciidankii Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Isniintii ku dagaalamay magaalo xeebeedkaasi Baraawe.
Gudoomiye Aadan Madoobe oo Xildhibaanada kala dhex galay ayaa sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay guddi xaqiiqo raadin ah ugu diri doonaan magaaladaasi.




















