Golaha Wasiirada oo ansixiyay Qaraarka Adkeynta iyo Hufnaanta Maareynta Maaliyadda Dalka

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada, kaas oo lagu ansixiyay Qaraarka Adkeynta iyo Hufnaanta Maareynta Maaliyadda Dalka.

Qaraarkan ayaa ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maareynta Dakhliga Dalka, Iibka & Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka & Maareynta Shaqaalaha.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Golaha ayaa sidoo kale meelmariyay Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda & Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howlgabka noqda iyo kuwa ay waxyeeladu soo gaarto, iyaga oo gudanaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbisay Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambayn shirka ayaa lagu ansixiyay Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka, oo u dhaxeeya Somaliya & Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.