Golaha Wasiirada oo ansixiyay Xeerka Qoondada ee Miisaaniyadda DF ee 2026
Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Qoondada ee Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2026, ka dib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayay goluhu cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Xeerka Qoondada ee Miisaaniyadda 2026, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo diyaarisay ku talagalka miisaaniyadda ee sanadka 2026, taas oo aan illaa iyo hadda la sheegin cadadkeeda.
Biixi Imaan Cige, Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu wadaa in dhawaan uu miisaaniyad sanadeedka 2026 horgeeyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, si ay u ansixiyaan.
Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore si wadajir ah u ansixiyay Miisaaniyadda 2025, oo ahayd $1,342,476,311, taas oo ah koror 24.4%, marka loo barbardhigo tii sanadkii 2024.
Miisaaniyadda sanadkan sii dhammaanaya ayaa ah middii ugu badneyd ee ebid ee Baarlamaanka uu ansixiyo, tan iyo dib u yegleeliddii ee Dowladnimada Somaliya.
Dowladihii kala dambeeyay ee dalka ayaa kordhinayay miisaaniyadda sanadlaha ee lagu shaqeeyo.
Kordhinta miisaaniyadda ayaa lagu saleeyaa, hadba sida uu u kordho dakhliga ka soo xarooda gudaha.
Inkastoo dalalka deeq-bixiyeyaasha ay kabaan Miisaaniyadda Dowladda Federaalka, haddana kororka dakhliga gudaha ayaa muhiim u ah qorsheyaasha dowladda ee xoojinta dowladnimada, amniga, tayaynta Ciidamada Qalabka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.








