Golaha Wasiirada oo go'aamo ka soo saaray dilalka bajaajleyda loogu gaysto Muqdisho

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta soo saaray go'aamo muhiim ah, oo wax lagaga qabanayo dilalka darawalada mooto bajaajta loogu gaysto Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray 4 qodob, oo looga hortaggayo dhibaatooyinka ay la kulmaan bajaajleyda, iyadoo dhanka kale uu goluhu u xilsaaray guddi heer wasiiro ah oo arrintaasi xaqiijiya.

Qodobada ayaa kala ah:-

In baaritaan dhab ah lagu sameeyo wixii dhacay, isla-markaana kuwii gaystay in caddaaladda la horgeeyo

In goobaha amniga lagu hubiyo ee checkpoints-ka aan la gayn karin askari balwad leh

In barraha amniga lagu sugo la geeyo askar u hoggaansan shuruucda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed 

In Saraakiil khibrad leh ay si joogto ah u kormeeraan habdhaqanka askarta ee goobahaasi ku sugan, ee ku aaddan qaabka ay ula dhaqmayaan bulshada Soomaaliyeed.

Xubnaha guddiga heerka wasiir ayaa kala ah:-

Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Caddaaladda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Maamulka Gobolka Banadir.