Golaha Wasiirada oo soo bandhigay in 70% hoos loo dhigay weeraradii Shabaab
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo shir guddoomiyay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay heshiiska Adeegga Duulista & Hawada ee dalalka Somaliya iyo Kenya.
Shirka ayaa lagu lafa-guray guulaha ay ciidamadu ka gaareen Hawlgalka Ciiltire, ee lagu xasillinayo amniga Magaalada Muqdisho iyo gulufka dib u xoreynta dalka.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay in ciidamadu ay hoos u dhigeen toddobaatan boqolkiiba (70%) weeraradii maleeshiyada Al Shabaab ka gaysanayeen dalka.
"Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamadu ka gaareen xoreynta dalka, oo suurta-gelisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay argagixisadu ka gaysan jireen dalka, waxaana lagu guuleystay xasillinta caasimadda oo sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Warka ayaa lagu sheegay "Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay heshiiska iskaashi ee Adeegga Duulista & Hawada ee Somaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.
Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baraneysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed."
















