Golaha Wasiirada Somaliya oo ansixiyay dhismaha Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa Khamiistan ansixiyay dhismaha Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka, iyagoo ka duulaya soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Garsoorka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen magacaabista Xubnaha Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka.

"Golaha Wasiiradu oo uu shir guddoominayay Raysal Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa  meelmariyay xubnaha soo socda oo kala ah laba (2) Qareen Sare iyo laba (2) Xeeldheere Sharci oo uu xilkooduna noqonayo shan (5) sano, ka dib marka ay dhameystiranto habraaca ansixintooda." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

1. Maxamed-deeq Macalllin Aadan

2. Maryan Sheekh Cismaan

3. Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil

4. Cabdiqaadir Cali Macallin.

Xubnahan ayaa ah kuwa keliya ee magacaabis ku imaanaya, halka xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay ku imaanayaan xilkooda (Hadba Masuulka xilkaas haya uu ka mid noqonayo golahan), waxayna xilalkan kala yihiin:-

1. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare 

2. Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuurka 

3. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

4. Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda

5. Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamuud, kaas oo booskiisa loo magacaabay Maxamuud Axmed Jimcaale.

"Ugu dambayn Golaha Wasiirada XFS ayaa meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farxashanka iyo heshiis u dhaxeeya Dowladaha Somaliya iyo Cumaan, kaasi oo diirrada saaraya iskaashiga Gaadiidka Cirka. Axdiga Dhallinyarada Afrika kaasi oo awoodda saaraya in dhallinyarada laga qaybgeliyo go’aanada siyaasadda iyo doorka dowladaha ee horumarinta dhallinyarada Afrika." Ayaa lagu soo geba-gabeeyay warsaxaafadeedka.