Golaha Wasiirada Somaliya oo ansixiyay magacaabista Safiiro cusub

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa shir guddoomiyay kulan ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho, iyagoona ansixiyay magacaabista Safiiro dalka uga hawlgali doona dibadda.

Golaha Wasiirada ayaa marka hore kulankooda kaga hadlay qaraxii habeenkii Jimcaha ka dhacay Xeebta Liido, oo dad fara-badan ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Golaha ayaa ku dhawaaqay lacag dhan nus milyan dollar oo xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Raysal Wasaaruhu uu mushaarkiisa bishan ugu deeqay gurmadka loo fidinayo dhibaneyaasha, iyadoo dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirada ay mushaarkooda qayb ka mid ah u jareen.

"Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalka uga wakiil noqon doona dibadda, si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee dalku la leeyahay caalamka.

Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa baahiyay magacyada Safiiradan, inkastoo aan bulshada lala wadaagin dalalka loo kala magacaabay.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir

2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir

3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir

4. Dr. Cabdiqaadir A. Xaashi – Safiir

5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir

6. Faysal Axmed Salaad – Safiir

7. Abiib Muuse Faarax – Safiir

8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir

9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir

10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir

11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir

12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir 

13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud 

14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud