Goobo ganacsi oo ku gubtay Magaalada Jowhar
Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goobo ganacsi ay ku gubteen magaaladaasi, ka dib markii saqdii dhexe ee xalay uu dab ka kacay foorno lagu sameeyo buskut-ka iyo xalwada.
Foornadan oo dacalka ku haysa suuqa xaafadda Hantiwadaag ayaa dabka ka kacay waxa uu baabi'iyay foornadaasi iyo goobo kale oo ku dhow dhow.
Wararka ayaa sheegaya inaanu dabka ku fidin suuqa ku yaala xaafaddaasi, lamana soo sheegin khasaare nafeed oo dabkaasi uu gaystay.
Si sax ah looma oga waxa sababay dabkaasi, iyadoo illaa iyo haddana aanay ka hadlin masuuliyiinta gobolka iyo kan degmada.
Dhacdooyinka dabka la xiriira ayaa sanadihii ugu dambeysay ku soo badanayay suuqyada ganacsi ee magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida.
Bartamihii bishii hore ee September dab xoogan ayaa baabi'iyay qaybo ka mida suuqii ganacsi ee magaalada xuduudda ku taala ee Wajaale.
Sidoo kale bartamihii bishii August dab ka kacay suuqa Daraawiishta ee Magaalada Beledweyne ayaa cagta mariyay xarumo ganacsi oo suuqaasi ku yiilay.
Bishii ka sii horreysay ee July horaanteedii dab kaloo xoogan ayaa baabi'iyay inta badan suuqii weynaa ee Magaalada Jigjiga. Suuqa Taywanka ayaa ahaa isha dhaqaale ee ugu weyn Dowlad Deegaanka Soomaaalida.
Dabku waa masiibo ay tahay in dadku ka gaashaantaan amaba ay xilli hore u sii diyaargaroobaan.












